Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa qoraal uu soo  dhigay baraha bulshada wuxuu ku sharaxay cadadka lacag xukuumada Xamze Cabdi Barre xalay ku qarash-gareysay kulankii lagu soo bandhigaayay waxqabadka xukuumadaani.

Qoraalka C/raxmaan oo sidoo kale lagu eedeeyay Madaxweyne Xasan ayaa sidan u qornaa:-

Waxaan xog ku helay in qarash ku dhow $15,000 ay ku kacday kirada hoolka, qurxinta, kaamarooyinka iyo warbaahinta.
Qarash kaa la mid ah ayaa kolkii hore ee Madaxweynaha loogu qabtayna ku baxay.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha xilligii uu mucaaradka ahaa ay qolada Minbar dood caynkaan oo kale ah isla hoolkan ugu qabatay, iyadoon qarash baaxaddaas leh ku bixin, sababtoo ah Madaxweynaha xilligaa lacagta iskama bixin karin, maantase wuxuu awoodaa in uu canshuurta shacabka danyarta ah ka bixiyo.
May be an image of one or more people, crowd, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here