Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta Soomaalida kuwooda ugu caansan ayaa ka hadlay dagaalada Puntland ka socda kaasoo u dhexeeya Kooxda Daacish iyo daraawiishta Puntland.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku muujiyay halista uu dalkeenu wajahyo marka la eego dagaalkaasi oo wararkii ugu dambeeyay ee laga helay ay sheegayaan in kooxo ka tirsan Daacish oo isku qarxiyeen ciidamada Puntland inay dhamaantood noqdeen ajaanib oo uusan hal Soomaali ah ku jirin.
Qoraalka Siyaasigaan ayaa sidan u qornaa:-
Waa halis wayn in raggii argagexasada ahaa ee isku qarxiyey ciidanka Puntland ee Soomaaliyeed ay dhammaantood ajnabi ahaayeen, waxayna xoojinaysaa dooddii ahayd in xarunta ugu wayn ee hoggaanka Daacish ku sugan yahay ay Soomaaliya tahay.
Ma jiro cadow inooga wayn argagexisada, gaar ahaan kuwooda doolka ah. Waxaan bogaadinayaa nafhurka ciidanka daraawiishta Puntland ee argagexisada kaga sifaynayaan degaanka Puntland iyo dalka Soomaaliya.
Advertisement
Waa in aan dhammaanteen ku garab istaagnaa hoggaanka iyo shacabka Puntland ciribtirka argagagexisada Daacish. Dhanka kale, waa in aan u dhugasho leenahay in ay argagexisadu ku baraarto, kana faa’iidaysato firaaqa dawlad la’aaneed iyo colaadaha sokeeye, waana in aan daddaalka ugu badan ku bixinaa dib u heshiin dhab ah iyo dhismaha dawlad loo dhanyahay.
Dhanka kale magacyada ajaanibta isku qarxisay ciidamada Puntland oo baraha bulshada iyo warbaahinta lagu baahiyay ayaa kala ah sidan:-
Abu Anis al Maghribi (Moroccan)
Qatada al Jazrawi (Saudi)
Munir al Tanzani (Tanzanian)
Abu al Bara al Maghribi (Moroccan)
Nabhan al Tanzani (Tanzanian)
Julaybib al Libi (Libyan)
Abu al Zubair al Tunisi (Tunisian)
Mujahid al Tanzani (Tanzanian)
Battar al Yemeni (Yemeni)
Abu al Walid al Ethiobi (Ethiopian)
Julaybib al Jazrawi (Saudi)
Abu Ibrahim al Tanzani (Tanzanian)
Advertisement