Madaxweynaha Maamulka Waqooyiga Somalia ee la baxay Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa si kulul uga hadlay dhibaatada qabyaaladu ku heyso Maamulka Somaliland oo dhawaan uun loo doortay inuu hogaamiyo.
“Nasiib-darro, qabyaaladu maanta waa khatarta ugu weyn ee ay waajahayso dawlnimadeena casriga ahi”ayuu yiri C/raxmaan Ciiro.
Madaxweyne Ciiro wuxuu balan qaaday inuu ka shaqayn doonaa sidii loo xakamayn lahaa qabyaaladda.
“khatarta ugu weyn ee Somaliland caqabada ku ah xiligaan waa qabyaalada ” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Maamulka Somaliland
Hadalka Madaxweynaha Somaililand ayaa ku soo aadaya xili uu dar dar ku wado inuu maleeshiya beeleedyada miyiga uu qarameeyo iyaga iyo xitaa hubkooda oo ay ku jiraan gaadiid dagaal tan iyo markii loo doortay hogaanka mamulka Somaliland.
C/raxmaan Cirro wuxuu ku guuleystay inuu maamulkiisa ku soo biiro tikniko badan iyo maleeshiya beeleed boqolaal gaaraaya tan iyo markuu bilaabay mashruuca qaramaeynta.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM