MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mid siyaasiyiinta mucaaradka ayaa barihisa bulshada ku soo bandhigay muuqaal uu  kaga hadlayo arimaha siyaasada isagoona si gaar ah dhaleeceyn ugu jeediyay siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Mid-baa igu yiri tareenkii waa laga boodayaa, kolkaabaa ku iri, awalba Soomaaliya wado tareen kuma oolin ee jid qardaxjeex ah ayaa lagu waday, waana socon la’yahay”ayuu yiri Xildhivaan C/raxmaan C/shukuur Warsame.

Advertisement

Siyaasigaan wuxuu intaasi ku daray in sida hada xaalka ku socdo in Dowlada iyo Maamul Goboleedyada ay kala haraan.

madaxweynaha waxaan leeyahay doorasho qof iyo cod ma socodsiin kartide caqligaada ha soo noqdo lana tasho bulshada iyo siyaasiyiinta”ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur Warsame

Xildhibaanka wuxuu su’aal ka keenay inay isla sii socon karaan afarta maamul goboleed iyo madaxweynaha xili la ogyahay in Axmed madoobe shirka oo socda uu ka baxay kuna laabtay Kismaayo.

Dhanka kale Siyaasigaan wuxuu sheegay inuu xog ku hayo in beesha Caalamka ee daneeya arimaha Somalia ay madaxweynaha u soo jeediyeen inuu dib u dhigo qorshahaan iyo habka uu siyaasada ku wado intaba.

“madaxweynaha waxaan leeyahay sheekadaan socon meysee Sabtida ha u degdegin inaad ansixso wax aadan fulin karin”ayuu mar kale yiri C/raxmaan C/shukuur

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here