Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay safarkii shalay uu Adis-ababa ku tagay Madaxweynaha iyo habka loo qaabilay.

Siyaasi C/raxmaan C/shukuur wuuxuu sheegay in safarkaan midkii ka horeeyay ee Febraayo 2024-kii Madaxweyne  Xasan lagu bah-dilay Adis ababa, hada safka shalay mar kale lagu bahdilay waa sida uu warka u dhigay.

Advertisement

“Madaxweyne Xasan wuxuu salaan ka qaatay ciidamada Badda Itoobiya,waana bah-dilaadii labaad” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame

Haddaba qoraalka Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Madaxweyne Xasan iyadoo ka joog la leeyahay ayuu Addis Ababa ka degey February 17, 2024, waa lagu soo bahdilay, shalayna ciidanka Badda Itoobiya ayaa loo diyaariyey in uu salaan ka qaato, waa bahdilaad kale.
Abiy isagaa loo hoyday, dowladahii kalana wuxuu tusay in aan Madaxweynaha Soomaaliya la isku halleyn karin, lana saadaalin karin.
Madaxweyne Xasan wuxuu ku tala galay in uu bowdooyinka qaranka Soomaaliyeed midba maalin qaawiyo, waajib ayaa naga saaran in aannan ku eegan.May be an image of 9 people, monument and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here