Xildhibaan C/raxaan C/shukuur Warsame oo ka mida siyaasiyiin mucaaradsan Dowlada uu hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu ku weeraray Madaxweynaha.

Xil.C/ramaan C/shukuur ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan inuu isagu sabab u yahay in Maamul Goboleedyada qaar maciin bidaan shisheeyaha kadib khilaafka labada dhinac soo kala dhex-galay.

Advertisement

Hadaba qoraalka C/raxmaan C/shukuur oo u badan sarbeeb ayaa sidaan u qornaa:-

“Hortaa jiraa waayey”

“Laaca aragtaye laagga ma ogtahay”

“Villada ka dib nolol ayaa jirta”

“In aan joogo jecliyaa”

“Haddii aad aragtaan qof Soomaali ah oo gacalka ka dhiganaya shisheeye, waxaa ku sababay arrinkaas qof kale oo Soomaali ah”.

“Jubaland doorashadeeda in ay qabsato way u madax-bannaan tahay”

“Loo jooji maa, lagaa yeeli maa ayey dhashaa”

“Sharciyada Baarlamaanka, heshiis siyaasadeed ayaa ka horreeya”.

“Haddii Puntland laga qabto doorasho aan la isku raacsanayn, maamulkii afar iyo labaatanka soo dhisnaa in uu 24 maalin ku burburo ayaa laga yaabaa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here