Siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaala ayaa warbaahinta iyo baraha bulshada waxay isku dhaafsanayaan hadalo lidi isku ah.

Alcadaala ayaa dhawaan wareysi uu siiyay BBC-da wuxuu u sarbeebay C/raxmaan C/shukuur inuu yahay siyaasi xaqiraya horumarada ay Dowlada ku talaabsatay islamarkaana la shaqeeya cadowga Dowlada.

Advertisement

C/raxmaan C/shukuur ayaa isna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga jawaabay hadalada Al-cadaala wuxuuna u qornaa qoraalkiisa sidan:-

n aadan dhabta wajahin, xaqiiqadana iska indhotirto, waaqaca ismoogaysiiso waxay dhashaa cawaaqib xumi natiijadiisu tahay;
1. In mushkiladaha ku horyaal xallin wayso, xaaladduna ka sii darto.
2. In aad kalsoonidii bulshada lumiso, dadku ka aamin-baxo kartida aad u leedahay xalinta mushkiladaha iyo caqabadaha ku horyaala.
3. In aad lumiso fursado badan, dayacdana talooyinka xal lagu gaari kari lahaa.
4. In uu xumaado xiriirka kaala dhexeeya, saaxibadaa, dadwaynaha iyo saamilayda kale ee siyaasada.
5. In ay kaa niyad jabaan dadka kula shaqeeya, kuwa ku taageera ama kaa soo horjeeda , kana shakiyaan in go’aannadu adiga kaa soo fuleen.
Waa tan maanta saaxibkeey Xasan Sheekh haysata, welise fursad ayaa u furan, waase haddii uu diyaar u yahay in uu dhabta wajaho, taladana dhexda dhigo.

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here