MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa ka hadlay hadaladii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku soo hadal qaaday habka Itoobiya badeecadaheeda uga soo degsan karto Badda Somalia .

Madaxweyne Xasan ayaa si dabacsan ula hadlay Dowlada Itoobiya isagoona ugu baaqay inay ilaaliyaan xeerarka caalamku wax u kala qaataan.

Advertisement

Siyaasiga C/raxmaan C/shukuur oo arintaasi ka hadlaayay ayaa Madaxweyne Xasan sheekh usoo jeediyay talo muhiim ah waxayna u qorneyd sidan:-

Wadaxaajoodka Itoobiya lagala yeelanayo arrimaha Is-afgaradka, iyo wadahadalka la sheegay in kooxda argagexisada AS lala gelayo waa in aysan noqon khudbosir qof kaligii go’aansado. Waa in lagu wajaho talo qaran oo loo dhanyahay, shacabka wakiilka laga yahayna si daahfuran loola socodsiiyo.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here