Siyaasiga Xildibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame  ayaa si weyn taageere ugu muujiyay siyaasada Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed C/casiis Lafta-gareen iyo qaar ka mida shacabka maamulkiisa oo dhawaan taageere weyn u muujiyay Xabashaida Itoobiya oo ah c addowga ugu weyn ee Soomaaliya.
Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo inta laga war-hayo Itoobiyaanka aan  jecleyn ayaa hadana si uu Dowlada Somalia u mucaarado darteed wuxuu mar marsiyo u sameeyay inuu difaaco siyaasada C/casiis Lafta-gareen.
Hadaba halkaan ka aqkhriso qoraalka C/raxmaan C/shukuur uu soo dhigay baraha bulshada iyadoo sideeda u qoran:-
Ka hortagga damaca Itoobiya waa masuuliyad dowladeed ee ma aha mid beeleed, waxna kama galo oday magac qabiil ku hanjaba iyo shaqaale rayad ah oo siyaasad lugaha loo geliyo, balse waa kaga sii dareen, maadaama uu hadalkoodu dhiilo qabiil kiciyey, bulshadiina kala irdheeyey.

Waxaase damaca looga hortegi karaa midnimo gudaha ah, dadaal diblomaasiyad oo dibedda ah iyo siyaasad waaqici ah oo lagu dheelitiro duruufaha qalafsan ee dalkeenna ka jirta ee keenay in Itoobiya looga maarmi waayo nabad ilaalin iyo la dagallanka AS.
Reer Koonfur Galbeed lama saxiixan MoU bad lagu bixiyey Itoobiya, ATMIS kuma soo darin ciidankeeda nabad ilaalinta, heshiiska difaaca ah ee ciidankeeda ATMIS ka baxsan dalka ku joogaanna lama gelin, waa dulmi iyo gardarro waxa loo beegsado.

Soomaaliyeey waa in aan garawsanaa in ku xadgudubka gobonimada dalkeena uusan qabiil ama maamul gobol midkoodna wax ka goynin. Dowlad-qaran uunbaa dal difaaci karta, waxna ka goyn karta loollaanka joqraafi siyaasadeed ee Gobolka, gaar ahaan kan la xariira amniga Badda Cas iyo biyaha Webiga Niil, iskumana heli karno in aan kala adkaanno, cadawgeenana ka adkaano, mana jiro maanta cudur nooga wayn hoggaan xumo iyo midnimo la’aan.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here