Siyaasiga caanka ah ee Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu si weyn digniin ugu direy Dowlada Somalia marka la eego shirka Turkey ka furmaya ee lagu wada hadal siinayo Itoobiya iyo Somalia.

Xildhibaanka wuxuu ka digay in Dowlada Somalia ku kadsoonto siyaasada Itoobiya ee ku dhisan Istaraatiijiyada mugdigelinta iyo farsamada dhagarta.

Advertisement

Hadaba halkaan ka akhriso warka xildhibaanka oo sidiisa u qoran:-

Itoobiya iyadaa ku dhiiratay in ay ku xadgudubto madaxbanaannida Soomaaliya. Sidaa daraadeed ma haboonayn in miiska wadahadalka lala fariisto inta ay ka noqonayso xadgudubka, waase dhacdaa in mararka qaarkood ay kula soo gudboonaato huriwayto iyo ku qabatay, laakiin waa in Soomaaliya ka digtoonaato taaktiikada Itoobiya ee ku dhisan Istaraatiijiyada mugdigelinta (Strategic Ambiguity) iyo farsamada dhagarta (deception tactics).

Sidaa daraadeed waa in Dowladda Soomaaliya ay ku adkaysataa:

1- In Itoobiya ay si cad oo aan mugdi ku jirin uga laabato Is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay maamulka Somaliland la saxiixatay, caddaysana in ay Soomaliland ka mid tahay Soomaaliya.
2- In ay u hoggaansato sharciga caalamiga ah iyo curfiga diblomaasiga ah oo aysan xiriirka diblomaasiga ah u gacan dhaafin Dowladda Soomaaliya.

Maadaama waxa miiska saaran ay tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee qaranka Soomaaliya, dawlada Soomaaliya waa in aysan soo qaadin wax mugdi jiro oo fasiraad kala duwan yeelan kara.

Itoobiya maanta teeda ayeysan ka badi karin, wayna ka nugayl badan tahay Soomaaliya oo ah dal isku imaanaya, halka ay iyagu yihiin dal kala tegaya, mana aha in aan aqbalno wax kasta ama cid kasta oo isku dayda in ay inoo hoosaasiso ama loogto.
May be an image of 3 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here