Siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa bartiisa Facebook ku soo bandhigay qoraal uu kaga hadlayo dhibaatooyin uu sheegay inay soo wajahday Siyaasada dalkeena Soomaaliya.

Qoraalka Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur ayaa sidan u qornaa:-
Siyaasadda dalkeenna waxaa ka lumay qiyamkii iyo akhlaaqdii runta, daacadnimada, aaminaadda, hufnaanta, cadaaladda, sinnaanta, xilkasnimada iyo isla xisaabtanka. Qaybihii kale ee bulshada ee isku taagi lahaa toosinta siyaasada iyo difaaca danta guudna waxay u kala baxeen:-
1- Ganacsato dantooda raacda oo aan dan guud iyo dowlad wax ku darsan, iyo kuwo dawlada la nool oo qandaraas ka qaata ama ka sugaya.
2- NGO layaal iyo kooxo adeeg la talinta (Consultants) ku shaqaysta oo aan waxba ka sheegi karin dowladda.
3- Culimo ku mashquulsan waano iyo wacdi la xariira akhlaaqda shakhsiga ah ee aan ku hawllanayn akhlaaqda dowladnimo, iyo kuwo dowladda fatwada iyo u qiildeyidda ku horbooda.
4- Warbaahin laga xoogsado oo subixii wax dhaliilaysa, galabkiina amaan tebinaysa, tabar iyo tayo la’aan ah, haatana ay ka awood bateen qaaqle dacaayad iyo aflagaado u joog ah.

Haddiise la helo ganacsato ku dhac leh oo danta guud taageera, culimo akhlaaqda dowladnimada, iyo danta guud ka hadla, warbaahin xirfad iyo hufnaan ku shaqaysa, iyo siyaasiyiin xilkasnimo iyo damiir leh, haba yaraadaan dalku wuu hagaagayaa.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here