Xildjibaan C/Raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada Somalia ayaa shaaciyay in Dowladu xaraasheyso dhismaha Vila Baydhabo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in guriga laga qaatay nin Wasiir ka soo noqday Dowladih kacaanka ee Somalia.

Advertisement

Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka C/raxmaan C/shukuur oo sidiisa u qoran:-

Waxaa la xaraashayaa Vila Baydhabo oo ah hoygii Allaha u naxariistee Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal. Waxaan maalin dhoweed la kulmay, nin wasiir ka ahaa dowladdii tan ka horraysay, aabihiina wasiir ka ahaa dowladdii Kacaanka oo isagana gurigoodii la qaatay.

Waxaa caado inoo noqotay in aan isku eegano gaboodfalka iyo caddaalad-darraada maadaama aysan markaa ku haysan, laakiin af labadii la qayliyo haddii ay kugu timaaddo.

Maxay la aamusiyey culimadii, ururradii bulshada rayadka ahaa iyo aqoonyahankii.

Haddii aan boobka hantida dadwaynaha iyo danta guud laga hortegin, waxaa dhici doonta in dad dhulkooda iyo guryahooda lagu xalaalaysto in ay hanti dowladeed tahay, sababtoo ah dulmiga wuu fidaa, kuwa ku lug yeeshana mar aysan filayn iyo meel aysan ka filaynin ayuu ku haleelaa.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here