MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasi Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa ka hadlay qarax dad badan ku dhinteen oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Boondheere.

Siyaasiga ayaa ugu horeyn Alle u weydiiyay Naxariistiisa  inta ku dhimatay qaraxii sida gaarka ah loola eegtay maqaaxida Top Coffee oo ku dhaw nawaaxiga Daljirka Dalsoon.

Advertisement

Xildhibaanka wuxuu ku eedeeyay Alshabaab inay caddow ku yihiin nabada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

“Sawirrada halkan ka muuqda waxay muujinayaan sida argagexisada AS ay cadaw ugu yihiin nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in dadka reer Muqdisho inay meel uga soo wada jeestaan dagaalamayaasha Alshabaab.

“Reer Muqdisho waxaan leeyahay  si gaar ah  waa in cadawga arxan la’aanta ah aad meel uga soo wada jeesataan”ayuu yiri Xildhibaanka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here