Siyaasiga caanka ah Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay dhaqan xumada qabiileysan ee maalmihii ugu dambeeyay ka socday baraha bulshada.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa sidan u qornaa:

Advertisement

Maalmahan waxaa soo xoogaysanaya dhallinyaro xiisad kicin qabiil iyo ficiltan qabyaaladeed ku hawlan, waxaa ka sii daran in aad arkayso dad waayn oo qayb ka ah.

Sababo badan ayaa loo tiirin karaa, laakiin waxaa ugu muhiimsan shaqo iyo jihayn la’aan iyo wacyi xumi.

Firaaqan waxaa keenay danayn la’aan la xariirta ka qaybgalka arrimaha siyaasadda iyo in shacabkii ka go’ay geeddi-socodka siyaasadda, sababtoo ah waxay aamineen in ficilkoodu ama ra’yigoodu uusan wax isbeddel ah ama saamayn ah ku lahayn go’aanada siyaasada.

Waxay ka niyad-jabeen siyaasiyiinta guud ahaan iyo hoggaanka dalka oo ku guuldaraystay in uu abuuro ruux dadwaynuhu ay siyaasadda kula falgalaan, waxaana daciifay kalsoonida lagu qabo iyo aaminaadda loo hayo siyaasaga iyo siyaasada intaba.

Haddaba madaxda dalka waxaa looga fadhiyaa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada ay ku noolaynayaan ruuxda siyaasadda ee shacabka, ku jihaynayaan dhallinyarada, kagana weecinayaan qabyaaladda. In muwaadinku si firfircooni leh uga qaybqaato hawlaha siyaasadda, waxay muhiim u tahay dhismaha dawlada, xasiloonida iyo nabada, la xisaabtanka siyaasiyiinta iyo qaabaynta siyaasadaha guud.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here