Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada Somalia ayaa bartiisa Facebook qoraal uu soo dhigay wuxuu kaga hadlay dagaal beeleedka ka jira qeybo ka mida Gobolka Galgaduud.

Qoraalka siyaasiga C/.raxmaan C/shukuur ayaa sidan u qornaa:-

Advertisement
Waxaan xusuusinaynaa dadka walaalaha ah ee isku laynaya Waqooyiga Gobolka Galguduud ee Galmudug in Diinteennu ay ka dayrisay dagaalka jaahiliga ah ee qabiilka la isku dilo. Rasuulka ( NNKH) wuxuu sheegay in labada ruux ee Muslimka ee is dila, kan la dilo iyo kan wax dilaba Naarta mudanayaan.

Waxaan ku baaqayaa in dagaalka degdeg loo joojiyo, waxaan bogaadinayaa guddiga heerka wasiir ee uu Maamulka Galmudug u saaray joojinta dagaalka.

Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada degaanka in ay ku garab siiyaan maamulka deminta colaadda.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here