No photo description available.
Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur  Warsame ayaa si kulul uga hadlay sababta ilaa hada Dowlada Somalia uga aamusan tahay dhacdada ka taagan Magaalada Cabud-waaq kadib markii hub Itoobiya ka yimid uu gacanta u galay shacabka.
Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ayuu ku dhaliilay qoraalkiisa isagoo si gaara xukuumada ugu eedeeyay inay ku fashilantay wax ka qabashada hubka shacabka gacanta u galay taasoo qatar amni ay ka dhalan karto sida uu sheegay.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur ayaa sidan u qornaa:-

Madaxda laanta fulinta ee Dowladda Federaalka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waa in ay shacabka Soomaaliyeed u caddeeyaan waxa sababay in hub baaxadaas leh uu galo gacan shacab.

Laga aqbali mayo Xukuumaddu in ay ka dhuumato fashilka masuuliyaddeeda ee xajmigaas leh. Tani waa natiijo la filan karayey, haddiiba hannaankii iyo hay’adihii dowladnimo ee heer Gobol iyo Federaal laga weecday, beddelkeedana la doorbiday wado qardajeex ah, macaamil shakhsi ah, iyo marin tahriib.

Advertisement

Soomaaliya waa laga qaaday cunaqabatayntii hubka, mana jirin xiriir nagala dhexeeya Itoobiya, mana dhici karto sabab hub looga soo tahriibiyo. Halkii uu hub u gacan galo shacab, waxaa halis gala nabadda iyo xasiloonida.

Waxaan uga baaqayaa Madaxweynaha in uu kala daayo dawladnimada iyo dhaqanka la isku milayo damaca siyaasada, danaysiga shakhsiga ah iyo macaashka dalaalnimada.

Baarlamaanka Soomaaliya indhaha kama sii qabsan karo fashilka iyo foolxumada lagu wajahayo arrimaha difaaca iyo la dagaallanka argagexisada. Waa in guddi madax-bannaan loo saaro baaritaanka dhacdadaan, lana caddeeyo cidda qaadaysa masuuliyadda wixii dhacay.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here