Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta Dowlada mucaaradka ku ah ayaa mar kale ka hadlay canshuurta dowladu qaadi isagoona xusay inaan
shacabka waxba loogu qaban.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayaa sidan u qornaa:-
Dowladdu waxay canshuur ka qaaddaa badeecadaha ka soo dega dekadda iyo garoonka diyaaradaha, goobaha ganacsiga, guryaha iyo gaadiidka, waxay lacag ka qaaddaa adeegyada kale ee dadwaynaha, waxay madaxda dowladdu iibiyaan hantidii shacabku lahaa ee danta guud, dhul iyo dhismayaal.

Canshuurta laga qaado shacabka iyo hantida ummadda ee la iibiyo midkoodna looguma adeego, waxaana caddayn u ah in labadii isbitaal oo weligood adeegga caafimaad ee bilaashka ah bixin jiray (Banaadir iyo Martiini) lacag laga dhigay.

Intaas kuma ay ekaan ee waxaa Saddex maalin xirnaa maamulayaasha isbitaallada Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese, iyo Muqdisho Hospital, ka dib markii ay diideen in ay bukaannada ka qaadaan canshuurta iibka adeegga caafimaadka.

Waxay maraysaa in bukaan ay dowladdu siin waysay adeeggii caafimaad ee uu xaqa ugu lahaa uu markuu jirado ee uu jeebkiisa iska daawaynayo laga qaado canshuur.

Tani canshuur maaha, dawladnimo maaha ee waa Isbaaro iyo madax furasho, shacabka xusuusinaysa waayihii hoggaamiye kooxeedka.

Dulmiga caynkaan ah oo la diidaa waa dawladnimo.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here