Munaasabada 6-Sano Guurada Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Taasi oo ay ka Qeybgaleen Masuuliyiin kala duwan.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) , Raisul Wasaraha XFS Mudane Xamza Abdi Bare , Marwada Madaxweynaha Marwo Zamzam Mahad Abdirahmaan, Wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Dowladda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya General Mahad Abdirahmaan, Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed iyo Marti Sharqf kale ayaa ka qeybgashay Munaasabada 6-Sano Guurada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Advertisement
Advertisement