Dowladda Burundi ayaa markii ugu horaysay xaqiijisay in ay ka hartay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya kadib “markii ay ku qanciwaysay tirada ciidanka loo qoondeeyay”.

Dowladda Burundi ayaa go’aankeeda ku wargalisay Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabada ee Midowga Afrika oo hadda ay ku fadhiso dowladda Jabuuti.

Advertisement

Sidoo kale Burundi ayaa dalbatay in howlgalka cusub loogu daro 2,000 oo askari, halka Soomaaliya ay sheegtay in ay u qoondaysay 1,000 askari.

Dowladda Burundi ayaa horay u shaacisay in tiradaas kooban ay khatar gelin karto ciidankeeda, maadaama aysan iska difaaci karin cadow badan.

Dhinaca kale, ilo wareedyo diblomaasiyadeed ayaa warbaahinta dayniile u xaqiijiyey in Itoobiya ay isku dayayso in ay ku qanciso wadamada ciidanka u soo diraya Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM in ay qaadacaan howlgalka.

Itoobiya ayaa dooneysa inay ‘culays amni’ saarto dowladda Soomaaliya, si caalamka looga gado in Soomaaliya ku socoto wadadii Afganistaan, isla markaana aan laga maarmin in ciidamada Itoobiya ay wadankanka ka difaacaan Al-Shabaab

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here