Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo bishii November aduubteen Markab kaluumeysi oo laga leeyahay Dalka Shiinaha ayaa hada dalbaday lacag dhan 10 Milyan Doolar si ay u sii daayaan markabka iyo shaqaalaha saaran.
Markabnka oo lagu heysto xeebaha Gobolada waqooyi Bari ee deegaanada maamulka Puntland gaar ahaan Degmada Xaafuun ayay burcadu shaaciyeen sawirada shaqaalaha markabka oo ay ku hareereysan yihiin kooxda burcada oo hubeysan.
Nin u hadlay kooxda burcad badeeda ayaa xusay inay rabaan 10 milyan si ay u sii daayaan 18 shaqaale oo ay heystaan iyo Markanka Kaluumeysi ee Dalka Shiinaha.
War ka soo baxay dhanka Dowlada Somalia ayaa lagu sheegay in markabkaani uu hore u heystay ruqsad kaluumeysi oo ay siiyeen Maamulka Puntland sanadkii 2020-kii balse uu ka dhacay oo uusan hada heysan wax ruqsad ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement