=XIGASHO LAACIB.NET =
Garabka Arsenal, Bukayo Saka, ayaa taageeray kooxdiisa Gunners inay ku guuleysan karto koobka Champions League xilli ciyaareedkan.
Saka wuxuu hadalkaan jeediyay kadib markii uu ku hoggaamiyay Arsenal guushii ay ka gaareen Real Madrid kulankii lugta labaad ee wareega siddeed dhammaadka Champions League Arbacadii.
Ciyaaryahanka reer England, oo rigooro ka khasaariyay ciyaartaas, ayaa furay goolasha qeybtii labaad isagoo u dhaliyay goolka koowaad ee martida.
Xiddiga kale ee Arsenal, Gabriel Martinelli, ayaa isna dhaliyay gool kale, waxeyna ciyaarta ku dhammaatay 2-1 oo ay ku badisay Arsenal garoonka Santiago Bernabeu.
Arsenal ayaa u soo baxday afar dhammaadka iyadoo ku guuleysatay wadarta labadii lugood 5-1, maadaama ay lugtii hore ku badisay 3-0 garoonka Emirates.
Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa hadda la ciyaari doonta Paris Saint-Germain wareega afar dhammaadka Champions League dhammaadka bishaan.
Saka wuxuu yiri intii lagu guda jiray wareysi ciyaarta kadib:
“Waxaan garaaci karnaa kooxaha ugu fiican Yurub gurigeena iyo meel kasta, waad arkaysaan taas,”
“Waxaan jeclahay inaan aaminno in aan ku guuleysan karno Champions League. Waxaan qabaa inaan kari karno.”