Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee OPEC oo heshiis Taariikhi ah kala saxiixday.
Vienna, Juun 26, 2024: –Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Vienna ee xarunta Wadanka Austria, ayaa heshiis muhiim ah la saxiixday Agaasimaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee Ururka OPEC Dr. Abdulxamid Alkhalifa, waxaana heshiiska labada dhinac goob joog ka ahaa Dr.Maxamed Al-Jadaan oo ah Wasiirka Maaliyadda dowladda Sucuudiga oo Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36-malyan oo aheyd deyntii Sanduuqa OPEC uu kulahaa dalkeena, waxaana lacagtaan ay Dowladda Sucuudigu ka bixisay Soomaaliya loo yaqaana (Bridge Loan).
Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen waxaa kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada hadalka xalka looga gaaray deynta iyo wadadii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagneyd Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa yiri “Waxaan heshiis ka gaarnay Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan,waxaan sidoo kale ka mahadcelineynaa taageerada Dowladda Sucuudiga oo fududeysay dhabbaha loo maray xalinta deyntaan, Tanina waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada deyn cafinta Soomaaliya.”

Heshiiskaan maanta magaalada Vienna ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo heerar kala duwan soo maray ayaa Soomaaaliya uga dhigan inay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw ka qeybgalka deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya ee Afrika.
May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here