BALAD-XAAWO(DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Gecdo ayaa sheegaya in ciidamo hor leh oo ka tirsan maamul Goboleedka Jubaland ay ku biireen ciidamada Dowlada Somalia ee fadhigooda yahay degmada Ballad-xaawo.
Ciidamada Dowlada ku biirey waxaa tiradooda lagu sheegay 300 oo askari taasoo qeyb ka ah khilaafka u dhexeeya Dowlada iyo Maamulka Jubaland kaasoo cirka isku sii shareeraya.
Ciidamada ayaa meel la soo safay halkaasoo khudbado dhiiri gelin ah loogu jeediyay, iyadoo si gaar ah loogu balan qaaday inay heli doonaan xuquuqda ciidamada qaranka ay helaan.
Sarkaal la hadlayay ciidamada ayaa goobta ka sheegay inay jiraan dalal dariska ah oo Somalia ku xad-gudba kuwaasoo uu ula jeeday Itoobiya wuxuuna carabka ku adkeeyay ineysan gacmaha ka laaban doonaan oo ay difaaci doonaan qaranimada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM