MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Hay’adaha amaanka Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Booliiska Xamar ayaa soo xirey nin isu ekeysiinayay dumar.

Ninkaan oo xitaa dawooyin u isticmaalay si uu ugu ekaado dumar ayaa dhanka kalana maalmihii ugu dambeeyay caadi ugu dhex jirey dumarka isagoo xiran dharka dumarka

Advertisement

Ninkaan  ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Suudi Macoow Deeyow waana 30 jir xirnaa dharka dumarka marka laga soo qabanaayay Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Taliska Booliiska Somalia gaar ahaan saldhiga Degmada Xamar weyne  wuxuu ku eedeyay nibkaan inuu ku kacay falal liddi ku ah dhaqan Suuban ee Soomaaliyeed sidoo kalana dooriyay jirkiisa.

Taliska Booliiska wuxuu tilmaamay in Ninkaani dumarka iska dhigaayay uu  ku socdo baaris islamarkaana la horgeyn doono Maxkamadda awooda u leh

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here