MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-.Ciidamada Booliiska Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho  ayaa gacanga ku soo dhigay laba nin oo ku eedeysan inay hub  ku dhici jireen shacabka Degmadaasi.

Labadaan nin ee la qabtay waxay Booliisku sheegeen inay dhaceen
Talaleefoon gacmeedyo ama Mobile badan kuwaasoo dadkii lahaa ay ku qabteen bistoolad Fake ah.

Advertisement

Sidoo kale waxaa buracadaan lala qabtay moto bajaj ah wateen taasoo ku jirta gacanta Booliiska Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ku qabtay labadaan nin oo hubeysan, sidoo kalena watay Mooto Bajaaj, isla markaana dhac u geysanayey shacabka ku nool xaafado ka mid ah degmadaas.

Taliska Booliska ayaa sheegay in soo qabashada burcadaan ay fududeysay kadib markii dadkii taleefoonada laga dhacay ay deg deg ula xiriireen lambarka gaaban ee booliska  99.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here