MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida uu sheegay Taliska Booliiska Soomaaliya Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay hub sharci darro ah iyo shaqsiyaadkii ka ganacsanaayay.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub laga ganacsanayay oo isugu jiray AK47 iyo PKM kadib howlgal booliisku sameeyeen.

Advertisement

“Waxaan gacanta ku dhignay 33 qori oo afar kamid ah ay yihiin qoriga PKM, howlgalada hubka sharci darrada looga hortagaayana waa sii socon donaan.”ayuu yiri Macalin Mahdi.

Taliyaha wuxuu intaasi ku daray in howlgalka nuucaasi uu sii socon doono islamarkaana aan loo aaba yeeleyn cid kasta oo gurigiisa laga helo hub sharci daro ah.

Haddaba halkaan ka daawo muuqaalka Taliyaha oo sharaxaya hubka ay qabteen waxaana ka soo xiganay TV-ga Qaranka:-

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here