War ka soo baxay taliska Booliiska ayaa lagu shaaciyay inay Caawa soo qabteen nin saacadihii ugu danbeeyay dilay oo midi ku bireeyay hooyadiis iyo Abtigiis.

Warka Booliiska ayaa sidan u qornaa:

Advertisement
Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Baanadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Deyniile ayaa taariikhda markay aheyd 24.06.2024Abaaro. 6:40pm fiidnimo waxay gacanka ku soo dhgeen eedeysane ku eedaysan gacan ku dhiiglanimo.
Eedeysane gacan ku dhiigle,Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe Ina Muraayo Muxumud Siyaad Kaas dil u geystey hooyadii dhashey iyo abtigiisa oo lagu kala Magacabijiray.

Marxuumada:Muraayo Maxamud Siyaad.55 jir ah Iyo Marxuum: Yuusuf Muxumud Siyaad 85 jir wuxuu dilka u adeegsadey toorey oo sitoos ah ugu weerarey labada marxuum.

Waxaa la baarayaa xaaladiisa caafimaad ee dhimirka si looga sal gaaro sababta ku kaliftay in uu waalidkiis dilo.
May be an image of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here