Gaalkacyo, January 13, 2025: Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta ku guuleystay qabashada Cali Axmed Cali Shirwac, oo lagu eedeeyay inuu ahaa burcad badeed, islamarkaana lala xiriiirinayo inuu xisaabiye ka ahaa markabkii MV ABDALLA ee laga lahaa dalka Bangaladesh.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Cabdixakin Yuusuf, oo warbixin ka bixiyay howlgalka guulaystay, ayaa fariin adag u diray cid kasta oo ku lug leh falalka burcad badeednimada. Taliyaha ayaa xusay inay gacanta ku dhigi doonaan, sharcigana horkeeni doonaan, cid kasta oo ku lug yeelata falalka noocan oo kale ah.

Booliska Dawladda Puntland ayaa si adag ula dagaalameysa kooxaha burcad badeedka ah, kuwaas oo dhibaatooyin ba’an ku haya dadka iyo deegaanka.
DHAMMAADMay be an image of 1 person and beard
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here