Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyey xarig uu sheegay xisbigu in Ciidanka NISA ay Muqdisho ugu geysteen Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac oo ah Gudoomiyaha xisbi Siyaasadeedka Shacabka.
Hadaba war xisbigu arintaan ka soo saaray ayaa sidan u qornaa:
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaaraynayaa tallaabada sharci darrada ah ee Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ay ku xireen Guddoomiyaha Xisbi siyaasadeedka ‘SHACABKA’ Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.
Falkaani oo u dhigma afduub siyaasadeed, wuxuu xisbiga Himilo Qaran u arkaa mid gebi ahaanba baalmarsan shuruucda iyo dastuurka dalka, wuxuuna sidoo kale xarigaani waji gabax ku yahay Xukuumadda Federaalka ah maadama ay madaxda dowladu caado ka dhigteen caburin joogta ah oo taabanaysa ururada siyaasadda iyo saxaafadda xorta ah.
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu madaxda dowladda Federaalka ah uga digayaa sii socoshada falalka nuucaan ah oo aan u adeegeyn danaha ummadda Soomaaliyeed islamarkaana dhaawacaya karaamada muwaadinka.
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu sidoo kale madaxda dowladda ugu baaqayaa in si deg deg ah xoriyadiisa dib loogu siiyo Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac islamarkaana, laga waantoobo in Hay’addaha ammaanka loo adeegsado danno siyaasadeed oo gurracan.