Booliiska Soomaaliya ayaa xabsiga soo dhigay Wariye Cali Nuur Salaad sida caawa lagu shaaciyay warbaahinta Qaranka.

Wariyaha ayaa lagu soo oogay arimo kala duwan sida been abuur uu ka sameeyay ciidamada iyo fal anshax xumo ah sida booliisku xuseen.

Advertisement

Qoraalka ka soo baxay Taliska  Booliiska ayaa sidan u qornaa:-

Ciidanka qeybta guud ee Booliska Gobalka Banaadir, gaar ahaan saldhigga degmada Waabari ayaa soo xiray eedeysane Cali-Nuur Salaad Xasan 38 jir ah, kuna eedeysan falal iskugu jira Anshax-daro, been-abuur iyo aflagaado Ciidammada Qalabka sida, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud.

“Waxaa ku socota baarista Boliiska. Waxaana la horgey doonaa Maxkammada awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
May be an image of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here