Ciidanka Boliiska Soomaliyeed gaar ahaan qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa soo xirey sedex eedeysane oo ciidamada Dowlada ka wada tirsan.
Maxamuud Maxamed Cali iyo Liibaan Ibraahim Xasan waxay ku eedeysan yihiin qal qal gelin amni iyadoo labadoodaba baraha bulshada lagu arkay iyagoo dhibaateynaya gaadiidleyda  Muqdisho.
Liibaan Ibraahim Xasan waxaa baraha bulshada la soo geliyay isagoo gaari Caasi BL ah inta kursi hor dhigtay laamiga dhexdiisa kadibna bastoolad la soo baxay taasoo awood sheegasho ciidan ah.
May be an image of 2 people and text
Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Abshir Ibraahim Cabdulle oo isna askari ah ayaa baraha bulshada lagu arkay isagoo muwaadin Soomaaliyeed inta dhulka jiifiyay dusha ka korey kuna taagay waliba isagoo dacas wata,sidoo kalana aan wadan dareys-kii ciidamada.
May be an image of 2 people and text
Damaan-tood waxay ku eedeysan yihiin inay bulshada dhexdeeda ku haayeen falal lidi ku ah amniga iyo sharafka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sida ku cad qoraalka ka soo baxay taliska Booliiska eedeysanayaasha waxaa la horgeyndoonaa Maxkadama awooda u leh loogu qaado qaladaadka ay sameeyeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here