Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir ayaa soo qabtay oo xabsiga dhigeen askari ka tirsan Booliiska kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xuseen Warsame, kuna eedeysan  qalqal-gelin amni.
Askarigaan oo ay soo xireen Booliiska Saldhigga Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho ayaa baraha bulshada ka soo muuqday isagoo caruur ku taagaya hubkii uu bulshada ugu adeegi lahaa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in askarigaani uu muuqaalka u duubay si uu saaxiibo badan ugu kasbado bartiisa Tiktok.
Muuqaalada baraha bulshada lagu arkay wuxuu cadeynayaa iin askarigu qoriga dhigtay marka  uu caruurta bursanaayo balse uu dib ka qaadanayo qoreyga islamarkaana uu ku taagayo caruurtii oo sii carareysa.
Warka Booliisku caawa soo saaray waxaa lagu cadeeyay in Askarigaani la horgeyn doono Maxkamadda awooda u leh.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 4 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here