MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Soomaaliyaa soo qabtay shabakad abaabulan oo burcad ah kuwaasoo geystay dhimasho ,dhaawac iyo dil intaba.
Booliska ayaa kooxahaan ka soo qabtay Degmooyinka Dharkeenleey,Yaaqshiid ,Wada-jir iyo Garasbaaleey ee Magaalada Muqdisho markii ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen xaafadaha degmooyinkaasi ,waxaana Taliska Booliiska howlgalka ku garab siiyay maamulka Gobolka Banaadir.
Tirada kooxaha burcada ah ee dilka ,dhaawaca iyo dhacaba gaystay waxaa lagu sheegay 16 eedeysane kuwaasoo dhamaantood xabsiga loo gudbiyay.
Eedeysanayaashaan waxaa loo gudbinayaa maxkamada si
loogu sameeyo baaritaano iyo kala hubin nin kasta danbigisa si sharciga loo waafajiyo.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and text that says "TALISKA CIIDANKA BOOLISKA S ALIYEED ORCE DHIGA DEGN EE GOBA SOMALI POLICE OA AADIR 安 人北工电 Taliska Qeybta Guud Ee Boliiska Gobalka Banadir Eedeysane Ex X.D.S C/qani Axmed XASAN Dhac Dadweyne BADIGNIONS"May be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and text that says "ICH BRÄUCHTE JAHRE SO GUT AISZUSEHO Taliska Qeybta Guud Ee Boliiska Gobalka Banadir Eedeysane Burcad Cumar Maxamed Xeyle Dhac Dadweyne"May be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here