MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay wiil baraha bulshada caanka ah islamarkaana ahaa maalmihihii ugu danbeeyay kii ugu hadal heynta badnaa.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Ashraf Cali Nuur Sahal oo 24 jir ah wuxuu ku eedeysan yahay anshax-daro sida Booliisku sheegeen inkastoo maalmo ka hor in la xirey la shaaciyay balse Booliisku shalay ayay shaaciyeen inuu xiran yahay.

Advertisement

Qoraalka Booliiska ka soo baxay wuxu intaasi ku darayaa inay u taagan yihiin ka hortagga fal-kasta oo wax u dhibaya diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.

Baraha Bulshada ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ku soo batay muuqaal muujinaya isagoo kareem wajiga marsanaya xili dhalinyarada ay qaar xusayeen eedeymo sida booliiska oo kale dhaqan xumo la xiriira balse wali wax cadeyn ah laguma hayo.

Booliiska ayaa lagu wadaa inuu Maxkamad u gudbiyo si loogu cadeeyo eedeynata ama loo sii daayo haduusan wax danbi lahayn oo sheekadu tuhun oo kaliya ay tahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person, slow loris and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here