MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa caawa ku celiyay digniintii ay 26-ka June jeediyeen taasoo ahayd inaan xabado loo ridi karin xuska maalmaha xiriyada.

Caawa ayaa loo fadhiyaa xuska 1-da Luulyo oo 12-ka saq dhexe oo daqiiqado naga xigaan la saari doona calanka.

Advertisement

Afhayeenka Booliiska ayaa ka digay in xabado loo rido dabaaldega. Caawa iyo beri ee 1-da Luulyo.

” Cidkasta ee xabad ridda ayadoo Dabaaldeg ula jeeda, waxaan horgeyn doonaa Maxkamadda”ayuu yiri Afhayeenka Booliiska C/fataax.

Maalmo ka hor xuskii 26-ka June ciidamo jabiyay amarka taliska booliiska ee ah inaan xabado la ridi karin ayaa xabsiga la soo dhigay kuwaasoo tiradodu ahayd 9 askar isugu jirtay booliis iyo Milatari.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here