NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Banaan-baxayaasha Kenya ayaa isku balansaday maanta oo khamiis ah inay sameyn doonaan isu soo baxyadii ay Dowlada uga soo horjeedeen iyadoo inta badana ganacsiyadii Nairobi maanta u baaqdeen arintaasi darteed.

Ciidamada Booliiska Kenya oo iyaguna qas-wadayaal u aqoonsaday isu soo baxayaasha ayaa saaka lagu daad-shay guud ahaan magaalooyinka waa weyn gaar ahaan meel kasta oo banaan bax laga filan karo.

Advertisement

Ciidamada Booliiska waxaa la sheegay inay xirteen dhamaan wadooyinka soo gala isgoysyada iyo goobaha ganacsiga ee Nairoobi waliba meelaha ay isu soo baxayaasha isku balansadaan.

Booliiska ayaa saaka lagu arkayaa ismaamullada Nairobi, Mombasa, Kisumu, Nakuru iyo meelo kale kuwaaasoo difaac ugu jira inay ka hortagaan banaan-baxayaasha.

Ku simaha taliyaha guud ee ciidanka booliiska Kenya Gilbert Masengeli ayaa banaan -baxayasha ku tilmaamay danbiilayaal,  wuxuuna carabka ku adkeeyay inay ka hor tagi doonaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Kenya has tried to reform its police force, but it's left gaps for abuse

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here