GAROWE (DAYNIILE.COM)-Ciidanka Saldhigga Boliiska magaalada Garow ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa soo xiray koox burcad ah oo ku howlaneyd dhaca shacabka xaafadaha Magaaladaasi.
Burcada la soo qabtay oo tiradoodu ahayd sedex waxay ciidamadu ka kor tageen iyagoo shacabka ku dhacaya bistoolad sidoo kalana wata moota bajaaj sida ay saxaaafada u sheegeen booliiska Garowe.
Taliska Booliiska Puntland war uu ka soo saaray dhacdadaani waxay ku xuseen in ciidanku soo qabteen eedeysanayaasha xili ay gacanta kula jireen furashada Moobilada iyo dhaca dadweyanaha.
“waxaa lagu sooqabtay Baskoolad macmal ah,tooreeyo iyo mooto bajaajkii ay wateen”ayaa lagu yiri warka shalay ka soo baxay Booliiska Puntland

Taliska Booliiska Puntland  waxay intaasi ku dareen in Ragan la horgayn,doono maxkamadda awooda uleh kiiskooda.

Ugu dambeyn Booliiska ayaa shacabka ka dalbaday haddii ay helaan xog ku saabsan falal Amni daro ama ay arkaan waxay uga shakiyaan burcadnimo inay la soo xiriiraan  si gacanta loogu dhigo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 people and people smilingNo photo description available.May be an image of textMay be an image of phone, digital audio player and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here