7 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa soo gabagabeeyay tababar socday muddo 5 maalmood ah oo ku saabsanaa Gargaarka Degdegga ah iyo Habraaca Gurmadka Degdegga ah.

Tababarkan oo ay soo jeediyeen Booliska ATMIS, ayaa saraakiisha lagu siinayay xirfado lagama maarmaan ah si ay ula tacaalaan xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliska ee Garoonka Diyaaradaha Jowhar, Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdulle Madoobe, oo uga mahadceliyey Ciidanka Booliska ATMIS taageerada joogtada ah ee ay ka geystaan ​​kor u qaadista tayada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Lataliyaha Caafimaadka ahna Gudoonka Tababarada ee Booliiska ATMIS, DPP. Killian Dakurah, ayaa sheegay in tababarku uu gacan ka geystay adeegga gargaarka deg deg ah ee xilliyada shilalka iyo xaaladaha degdega ah. Tababarku wuxuu ka koobnaa qiimeynta miyir-qabka bukaanka, soo kabashada iyo maaraynta xaaladaha dhaawacyada badan.
=May be an image of 4 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 2 people, people studying, hospital and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 2 people, people smiling and textXIGASHO WARBAAHINTA ATMIS=
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here