Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusman Cabdulaahi ayaa Saraakiil Sare u Direy Dalka Jabuuti si Ay Tababar ugu soo Xiraan Ciidanka Ka mid Noqndoona Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed kuwaas oo mudo Tababar ugu socday Dalka Jabuuti.
Wafdiga Saraakiisha ah oo uu Hoggaaminaayey Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha S/ guuto Cabdulaahi Xasan Bariise oo ay wehliyaan Taliyaha Hoggaanka Caafimaad Boliiska S/Guuto Cabdirisaaq Afguduud iyo G/dhexe Axmad Maxamed Axmad Taliyaha Hoggaanka Tababarada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Saraakiisha Waxaa Si heer sare ah usoo Dhaweeyey Taliska Boliiska Dalka Jabuuti iyo Saraakiil ka tirsan Karanbiyeeriga Boliiska Itali oo Qeyb ka ah Mashruuca Tababarka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed.
Ciidanka Tababarka Loosoo xirey ayaa ah Dufcada 21 .aad ee Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaliyeed waxay waxaana Tababarka Ciidankaan Iska Kaashadey Dowladaha Talyaaniga .Jabuuti iyo Soomaaliya oo Tababarka ka faa ideysanaysa.
Ciidanka Tababarka Loo xirey ayaa Soo badhigey Wixii ay barteen ayadoo madaxdii ka qeyb gashay xafladaas ay aad ugu riyaaqeen Bandhi ay sameeyeen Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed.
Advertisement