NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Hay’adaha amniga Kenya ayaa wali baadi-goobaya dilaa dhawaan ka baxsaday xabsiga Magaalada Nairobi ee caasimada Dalka Kenya.

Dilaaga oo lagu magacaabo Collins Jumaisi Khalusha iyo danbiilayaal kale oo kula xirnaa xabsiga Nairobi ayaa baxsaday.

Advertisement

Booliiska iyo Nabad-sugida Kenya ayaa si weyn u raadinaya gacan ku dhiiglahaan qabashadiisa kadib ka baxsaday xabsiga, wuxuu ku eedeysan yahay inuu mid mid u dilay ilaa 42 dumar ah kuwaasoo uu meydadkooda ku tuuri jirey god-qashin oo ku yaal duleedka Nairobi.

Warar dhanka Dowlada laga helay ayaa lagu shaaciyay in baxsashada gacan ku dhiiglahaan loo xirey saraakiil ka tirsan ilaalada saldhigi uu ku xirnaa sida ay sheegtay idaacada VOA-da.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

FILES-KENYA-CRIME

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here