HomeCiyaarahaBixitaanka Trent Alexander Arnold Miyay Saamayn Doontaa Salah & Van Dijk.

Bixitaanka Trent Alexander Arnold Miyay Saamayn Doontaa Salah & Van Dijk.

Daafaca Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa ogolaaday inuu ku biiro kooxda reer Spain ee Real Madrid, Fabrizio Romano ayaa ka warbixiyay mustaqbalka Mohamed Salah iyo Virgil Van Dijk ka dib go’aankii saaxiibkood, isagoo si gaar ah ula hadlay GIVEMESPORT.

Reds ayaa lagu qasbay inay la dagaalanto seddex xaaladood oo aad u adag iyadoo aan ku sii jeedno suuqa kala iibsiga xagaaga. Saddex ka mid ah xiddigaha Liverpool – Salah, Van Dijk, iyo Alexander-Arnold – ayaa dhamaantood qarka u saaran inay ka tagaan kooxda iyadoo qandaraaskoodu uu dhacayo, iyadoo kooxda Merseyside-ka ay si waali ah isku dayeyso inay heshiisyo cusub ka saxiixato.

Maadama aan ku sii dhawaanayno suuqa xagaaga waxa Jira walaac ay qabaan taageerayasha Liverpool kuwas oo arkaya qaar ka mid ah xiddigohooda oo ka Tagaya kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

waxaana ay u muuqataa in Alexander-Arnold uu go’aan ka gaaray. Ilo wareedyo GiveMESPORT ah ayaa xaqiijiyay in xiddiga heerka caalami ee dalka England uu go’aansaday inuu ku biiro Real Madrid xagaagan marka uu qandaraaskiisu dhaco.

Isagoo si gaar ah ula hadlayay GIVEMESPORT mar la weydiiyay hadii u dhaqaaqida Alexander-Arnold ee Real Madrid ay saameyn ku yeelan karto go’aanada Van Dijk iyo Salah, Romano ayaa soo jeediyay inaysan wax isbedel ah sameyn doonin .

Van Djik iyo Salah ayaa wada xaajood u gaar ah, mana saameyn doonto ciyaaryahan kale.

“Maya, Go’aanka Trent ma saamayn doono Salah iyo Van Dijk”ayuu yidhi.

“Salah iyo Van Dijk waxa ay wadaan wadahadalo u gaar ah bixitaanka Trent ma saamayn doonto Mustaqbalkooda”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -