MOSCOW (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Dalka Suuriya Bishaar Al-Asad ayaa ka hadlay markii ugu horeysay qaabkii uu uga soo baxay dalkiisa markii kooxihii ku kacsanaa ay dalka qabsadeen.

Qoraal la sheegay inuu Bishaar Al-asad ka soo baxay ayaa lagu faaiyay Talegaraamka ay leedahay madaxtooyadii Bishaar Al-asad, waxaana lagu sheegay in Madaxweynuhu sii qorsheysan inuu dalka ka cararo balse wax kasta ay u dheceen si lama filaan ah markii ciidamadiisa la jabiyay.

Advertisement

Warbixinta waxay lagu sheegay in Madaxweyne Asad oo kaashanaya Dowlada Ruushka u baxeen isaga iyo qoyskiisaba Magaala xeebeedka Latakia ee dalka Suuriya,sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in madaxweynuhu subaxnimadii axada uu gaaray salka ciidamada Cirka ee Hmeimim markaasna ay cadaadatay in ciidamadii ka baxeen dhamaan aagagii dagaal, lana jabiyay si dhameystiran.

“subaxnimadii Axadda markii uu gaaray saldhigga ciidamada cirka ee Hmeimim ayay caddaatay in ciidankayaga ay gebi ahaanba isaga baxeen dhammaan jiidaha hore ee dagaalka, iyo in ugu dambeeyay la jabiyay ciidamada.”ayaa lagu yiri warka la sheegay inuu ka soo baxay dhana Bishar Al Asad oo hada magangelyo siyaasadeed ku jooga Dalka Ruushka

Dhanka kale Madaxweyne Asad wuxuu gabi ahaanba meesha ka saaray maalmihii ugu dambeeyay ee xaaladu ku adkeyd inuusan ku fekirin inuu is casilo iyo inuu magangelyo doon balse uu rabay inuu sii dagaalamo ilaa uu ka guuleysto ama iska diaaco kooxaha Dowladiisa ku kacsanaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here