Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Washington DC ayaa ka qeyb galay shirka 𝟮𝟮-𝐚𝐚𝐝 ee Iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) xili Magaalada Washington uu ka soconayo shirka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka.
Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray Mashaariicda fulintooda ay ku midaysan yihiin Wadamada Geeska, wixii ka hirgalay iyo kuwa haatan mudan in mudnaan gaar ah la siiyo, iyada oo kulanka lagu soo jeediyay tixgalinta in la maalgaliyo mashaariic wax looga qabanayo saameynta Isbadellada Cimillada Adduunka.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa waxa uu diiradda saaray muhiimada ay u lee dahay dhaqaalaha Soomaaliya Iskuxirka Wadamada Gobolka, taas oo uu ku tilmaamay mid sare u qaadi doonto soo saarka gudaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka, waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay kaalinteeda ka qaadato horumarinta dhaqaalaha gobolka iyo is-dhexgalka.
Madasha kulankan ee ay ku midaysan yihiin dalalka Geeska Afrika ayaa inta badan lagu gorfeeyaa mashaariicda horumarineed ee ay uga baahan yihiin hay’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha Adduunka, hadafka kulanka ayaa wax yaabaha ugu muhiimsan waxaa kamid ah dhisidda dhabayaasha isku xiraya dalalka Geeska Afrika.
Advertisement