Beesha Sheekhaal oo ka mid ah Beelaha ugu badan canshuur bixiyaasha, ayaa abaabulaayo shirar iyo banaan baxyo waaweyn iyo go’aano ay kalsoonida kala laabaneyso dowladda Xasan Sheikh.
Iyadoo Dowladii Farmaajo ay laheyd Beesha Safiir Iyo Agaasime Guud Iyo Taliyaal Iyo Maareeye Iyo Safiiro Kuxigen, Dowladii Xasan Sheikh waxey si bareer ah ugu qaaday xilalkii dhamaan, beesha.
Beesha Shekhaal waxaa u caddaatey in lagu sameeyey gaboodfal iyo xaqiraad laga xaqirey xuquuqda ka qeybgalka maamulka iyo talada dalka ee ay beesha xaqa u laheyd, masuuliyadda arrintaasna uu leeyahay Madaxweynaha Jmahuuriyadda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, asiga oo dhegeha ka furaystay talooyin iyo wax u sheeg badan oo ay beeshu ugu tagtey xafiiskiisa marar badan uuna balamanka ugu baxay.
Madaxweynuhu wuxuu beesha sheekhaal ka hor joogsadey una diidey iney xaqii ay ku lahaayeen ka helaan dowlada.