HomeWarkiiBeesha Caalamka oo warsaxaafadeedka ka soo saartay arimaha Somalia

Beesha Caalamka oo warsaxaafadeedka ka soo saartay arimaha Somalia

Saaxiibada Beesha caalamka oo soo dhaweeyay gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay saaxiibada beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay gogosha Qaran ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyay siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada si aragtidooda iyo dadaalkooda qeyb uga noqdo dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah.
Warsaxaafadeed-ka ayaa sidoo kale lagu boggaadiyay howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta kuwaas oo Argagixisada lagu naafeeyay, islamarkaana looga Khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad halis ku ahaa dadka Soomaaliyeed.
“Waxaan ku boggaadinaynaa ragga iyo haweenka adkeysiga leh ee ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga is ballaarinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, Waxaa naga go’an in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ku garab istaagno halganka ay ugu jiraan dhismaha qaran nabdoon, dimoqraadi ah isla markaana barwaaqo ah” ayaa lagu yiri qoraal Beesha caalamka.May be an image of text that says "WAR-SAXAAFADEED WAR WADAJIR A KASOO BAXAY SAAXIIBADA CAALAMIGA AH* EE SOOMAALIYA SOOMAALIYA *Fadlan halkan ka akhri bahwadaagta soo saartay war murtiyeedka"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -