HomeWarkiiXOGTA: Mareykanka oo shaaciyay war ay Alshabaab ku dhiiri-gelinayaan

XOGTA: Mareykanka oo shaaciyay war ay Alshabaab ku dhiiri-gelinayaan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Saraakiil amni oo Mareykan ah ayaa shaaciyeen warbixin u muuqata mid ay ku dhiiri-gelinayaan kooxda Alshabaab xili uu dalka ka socdo dagaalo qaraar oo u dhexeeya ciidamada Dowlada oo garab ka hela kuwa beelaha iyo Alshabaab oo dhanka kale ah.

Warbaahinta New York Times ayaa lagu baahiyay in xubno ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ay  walaac ka muujiyeen guulo ay sheegeen inay Alshabaab gaareen maallmihii ugu dambeeyay, sidaas daraadeedna ay qorsheynayaan in la xiro gabi ahaanba safaarada Mareykanka ee Muqdisho.

Warkaan uu soo qaatay New York Times ayaa mar kale dhiiri-gelin loogu sameeyay alshabaab markii lagu sii bayaaniyay in madaxtooyada aqalka cad ee Trump saldhigiisa ah uuba Dowladii Somalia ku tilmaamay mid fadhiid ah islamarkaana Dalkii Somalia uu noqday mid qasan oo aan amni ahayn iyagoo u tiirinaya in Alshabaab ay ka dambeeyaan.

Xitaa warka warbixinta New York Times waxaa ku jirta in aqalka cad uu dhaliisha gaarsiiyay ilaa heer ay leeyihiin Dowlad Somalia maba ka jirto taasoo shaqadii la rabay qabaneysa, macnaha waxaaba ka xoog badan alshabaab.

Inta badan waxgaradka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in Mareykanku laba Card-le  yahay oo sideedaba Alshaabaab ay iyaga la’aantood somalia kama jiri karin iyadoo tusaalooyin badan loo soo qaato sida diyaaradaha mar kasta la sheego in UN-ka laga leeyahay oo ku dhacaya dhulka Alshabaab maamulaan taasoo Soomaalidu aaminsan yihiin in agab lacag ,dawo iyo huba si farsameysan loogu gudbinayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -