Masuuliyiinta Jabhada ONLF ee Ogaadeenya ayaa munaasabada Ciidul Fidri darteed waxay soo saareen bayaan siyaasadeed kaasoo ay kaga hadlayaan xaalada xiligaan ay ku sugan yihiin shacabka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Bayaanka ayaa sidan u qornaa:-
“Ciiddan waxay inagu soo beegantay iyadoo shacabka Soomaaliyeed ee Ogadenia wali la daalaa dhacayaan duruufo adag oo ay ka mid yihiin gumaysi siloon, cadaadis siyaasadeed, iyo takoor nidaamsan.”
“Dadkeenu muddo dheer ayuu u adkeysanayey dulmi joogto ah, isagoo muujiyay dulqaad, midnimo, adkaysi iyo jacayl qotodheer oo uu u qabo xorriyadda.”
“Ma iloobayyno abid shuhadadii naftooda huray xoraynta dalkooda iyo dadkooda, dhaawacyada, iyo aqoonta. Waan idin xasuusannahay, waana ku howlan nahay sidii xaqiina loo soo dhicin lahaa , wixii dhibkaas idiin soo gaadhayna looga midho dhalin laha.”
“Shacabkeenu wuxuu qarnigii u halgamayay xorriyaddiisa. Maanta cidna been kuma maaweelin karto, dadkuna si cad ayuu u kala garanayaa gumaysiga iyo xorriyadda. Beenihii hore ee dastuur-beenaad, ismaamul, doorashooyin magac u yaal ah, dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka waan ilaalina ee ay Itoobiya ku andacoon jirtay, way soo afjarmeen.”