HomeCiyaarahaBarcelona oo ka faa'iideysan waysay guul-daradii Real-Madrid soo gaartay

Barcelona oo ka faa’iideysan waysay guul-daradii Real-Madrid soo gaartay

Soccer Football - LaLiga - FC Barcelona v Real Betis - Estadi Olimpic Lluis Companys, Barcelona, Spain - April 5, 2025 FC Barcelona's Gavi scores their first goal REUTERS/Albert GeaKooxda Barcelona ayaa iska lumisay fursad ay ku sii dheereysan karay dhibcaha ay ku heysay hogaanka horyaalka La Liga kadib guul-daradii shalay soo gaartay kooxda difaacaneysa horyaalka ee Real-Madrid.

Barcelona oo la ciyaartay Kooxda real-Betis ayaa gashay bar baro 1-1 xili Real-madrina dhamaadka ciyaartii ay la yeelatay Kooxd Valencia loogu shubay goolkii looga badiyay.

Sida warbaahinta Sportis-ku aad u hadal hayaan Kooxda Barcelona ayaa ku fashilantay inay si buuxda uga faa’iidaystaan ​​guuldaradii lama filaanka ahayd ee Real Madrid soo gaartay.

Kooxda Valencia oo ka carareysa horyaalka heerkiisa labaad ayaa shalay galab 2-1 ku garaacday kooxda difaacaneysa horyaalka ee Realmadrid.

Koox kasta oo ka dheeleysa Horyaalka Spain ee La-liga waxaa u hartay Siddeed wareeg ama sideen ciyaar waxaana ku jira kulamadaasi ciyaarta Clasico taasoo ku aadan bisha May.

Tababaraha Real Carlo Ancelotti ayaa qirtay guuldaradii ka soo gaartay kooxda Valencia ka dib in difaaca kooxdiisa  uu haatan cadaadis weyn saaran yahay.

Tababaraha reer Talyaani ayaa intaa ku daray in ciyaartoydiisu aysan ka quusan doonin hamigooda La Liga.

XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -