GARISA (DAYNIILE.COM)-Barasaabka Ismaamulka Mandera Maxamad Aadan Khaliif ayaa ka hadlay shil baabuur oo shalay dhacay nawaaxiga ismaamulka Gaarisa kaasoo ay dad badan ku dhinteen.

Gaari bas weyn oo ah nuuca dadweynaha ayaa ku dhacay gaari xamuul ah waxaana ka dhashay dhimashada ugu yaraan 12 ruux iyo dhaawac tira kale oo ka mida dadkii saarnaa gaarigaasi oo aad u burburey.

Advertisement

Shil-ka ayaa habeen hore ka dhacay waddada xiriirisa Garissa iyo Mwingi gaar ahaan aagga Bangal,gaarigan ayaana ka soo baxay Mandera wuxuuna ku socday caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Barsaabka Madera ayaa tacsi u diray qoysaska , ehellada iyo asxaabta ay ka baxeen dadkaasi shilka gaari sababsaday.

Baska shilka galay  waxaa leh  shirkadda Al-Mukaram,wuxuu siday baska rakaab ilaa 50 ruux kuwaasoo qaarkoodna aysan waxba soo gaarin walow gaariga uu aad u burburey.

Dhanka kale , shil kale oo ay ku dhinteen laba ruux ayaa ka dhacay Kangundo oo ka tirsan ismaamulka Machakos,waxayna qeyb ka tahay shilal joogto uga dhaca wadooyinka isku xira Nairoibi iyo gobolada dalkaasi kenya sababo wadooyinka oo xun lagu sheegay iyo waliba darwalada oo si xowli ah ku kaxeeya gaadiidka safarka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here