Bankiga Standard Chartered oo laga leeyahay dalka Britain ayaa lagu soo oogay inuu taageero kooxaha loo yaqaan argagaxisada.

kadib dacwo lagu soo oogay Bangiga ayaa ka baxsaday dacwadaasi oo inta badana lagu sheegay inay la xiriirto fududeyntay qorshe malaayiin Doollar  loogu gudbiyey kooxo taabacsan argagixisada.

Advertisement

Dacwadaan uu bangigu ka badbaaday waxay ka timid markii hore Waaxd Caddaalad Mareykanka ka dib markii ay soo faragelisey xukuumaddii Lord Cameron 2012.

Sida BBC-du sheegtay Caddeymo cusub oo la hor keenay maxkamad ku taal magaalada New York ayaa muujinaya in bankigani ku lug yeeshay macaamilaad maaliyadeed oo ku kacaya qiime dhan Boqol bilyan oo Doollarka Mareykanka ah oo intii u dhexeysay 2008 illaa 2013 uu u fuliyey dalka Iran, iyadoo ay dalkaas saarnayd cunaqabatayn calami ah.

Sidoo kale waxaa isla bangigaani lagu soo eedeeyayinuu ku  lug lahaa ku dhawaad toban bilyan oo Doollar oo martay dhanka Ururada Xisbullah, Xamas, al-Qaeda iyo Taliban kuwaasoo dhamaantood mareykanku u aqoonsaday waxa uu u yaqaan argagaxiso.

Bangiga oo iska difaacayay eedeymahaan kuna guuleystay inuu iska bari yeelo ayaa ku tilmaamay kuwa dacwadaani ka timid kuwo aan keensan cadeymo macquula.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here